LSK oo dacwad u gudbisay maxkamadda sare ee dalka

0
195

Ururka qareennada dalka ee LSK ayaa maxkamadda sare ee wadanka geeyay dacwad uu uga soo horjeedo go’aankii maxkamadda Supreme Court looga mamnuucay garyaqaan sare Axmadnaasir Cabdullaahi.
Qareennada ayaa sheegay in go’aanka Axmadnaasir iyo shaqaalaha shirkaddiisa bixisa adeegyada sharciga looga mamnuucay inay maxkamadda yimaadaan uu yahay mid aan sharciga waafaqsanayn oo aan macquul ahayn.
Kiiskan oo mid degdeg ah lagu sheegay ayay LSK waxay ku doodaysa in Axmednaasir iyo shaqaalihiisa aan waligood la siin fursad lagu dhageysto.
LSK ayaa ku doodaysa in maxkamadda aynan ka fiirsan dhibaatada loo gaysanayo qareenka iyo shaqaalihiisa iyo sidoo kale macaamiishiisa.
Waxaa sidoo kale qareennadu ku doodayaan in sanadihii 1990-kii iyo horraantii 2000, xilli la sheegay in musuqmaasuq iyo xil gudasho la’aan ka dhex jirtay hay’adaha garsoorka, uu Axmadnaasir ku sigtay inuu keligiis u guntado magacaabista iyo ceebaynta garsoorayaasha, taasina ay keentay shaqada laga eryay 23 garsoore.
LSK ayaa doonaysa in go’aanka garsoorayaasha la buriyo.
Arrintan ayaa timid ka dib markii subaxnimadii Talaadada ay maxkamadda sare soo saartay war murtiyeedkeeda iyadoo diiday inay dhageysato qareen Axmadnaasir.