Dowladda Kenya ayaa loo doortay inay guddoomiye u noqoto guddiga hay’adda dalxiiska adduunka oo hoos tagta Qaramada Midoobay ee UNWTO.
Xilkan ayay dowladda Kenya hayn doonta muddo 3 sano oo ku eg sanadka 2027-ka
Kenya ayaa lagu doortay xarunta hay’adda dalxiiska adduunka ee UNWTO ee magaalada Madrid ee dalka Spain.
Wasaaradda dalxiiska ee dalka ayaa sheegtay in Kenya ay ku guuleysatay xilkaasi ka dib labo wareeg oo codbixin ah, iyadoo ka adkaatay waddamada Thailand iyo Malta.
Wasiirka wasaaradda dalxiiska ee dalka Dr. Alfred Mutua ayaa sheegay in tani ay Kenya fursad u siinaysa xoojinta arrimaha dalxiiska.
Waxaa uu tilmaamay in doorashadan ay tahay mid taariikhi ah oo dalka u soo hoyatay.
Wasiirka ayaa xusay in tani ay muujinaysa kalsoonida lagu qabo in dalka uu si hufan u hoggaamiyo guddiga hay’adda UNWTO.
Dr. Mutua ayaa sheegay in Kenya ay go’aan ka gaari doonto arrimaha saameeya dalxiiska caalamka.
Waxaa uu intaasi ku daray in dalxiiska uu wadanka u yahay tiir muhiim ah oo dhanka dhaqaalaha.
Wasiirka ayaa xusay in guddoomiyenimada hay’adda UNWTO ee Kenya, ay kaalin ka qaadan doonta dhisidda iskaashiga iyo horumarinta hababka ugu wanaagsan ee dalxiiska.