In ka badan 70 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen ka dib markii ay la duntay goob dahabka laga soo saaro oo ku taalla dalka Mali, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AFP.
Wasaaradda macdanta ee wadanka Mali ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dhowr macdan qodayaal ah ay dhinteen inkastoo tirada rasmiga aysan shaacinin.
Mali oo ka mid ah dalalka ugu saboolsan caalamka ayaa hodan ku ah soo saarista dahabka ee qaaradda Afirka.
Goobaha dahabka laga qodo ee Mali ayaa si joogta ah uga dhacaan dhul go’a ay dad badan ku dhintaan.