Labo nin oo u dhashay dalka Nigeria oo ku eedeysan dilka haweeney Kenyaan ah oo maxkamad la soo taagay

0
227

Waxaa maxkamadda Makadara ee ismaamulka Nairobi la soo taagay labo nin oo u dhashay dalka Nigeria, kuwaas oo lala xiriirinaya dilka Rita Waeni Muendo oo ahayd ardayad dhigata jaamacadda (JKUAT) oo toddobaadkii hore meydkeeda laga dhex helay meel wasaqda lagu daadiyo oo ku taalla deegaanka Roysambu.
Eedeysanayaasha ayaa xabsiga ku sii jiri doona muddo 8 maalmood ah.
Waxaa eedaysanayaasha magacyadooda lagu kala sheegay William Ovie Opia iyo JohnBull Asibor.
Sarkaal ka tirsan waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da oo uu fadhigiisu yahay saldhigga booliiska ee Kasarani ee magaalada Nairobi, ayaa laga soo xigtay in labada qof laga soo qabtay guri la kiraysto oo ku yaalla deegaanka hoose ee Nenderu, ee ismaamulka Kiambu.
Howlgalka lagu soo qabtay labada qof ayaa lagu soo helay mindi, taleefoonada gacanta oo lix ah iyo saddex koombiyuutar oo laptop ah.
Eedeysanayaasha ayaa sidoo kale haystay kaararka SIM-kaarka oo ay leeyihiin shirkadaha isgaarsiinta ee kala ah Safaricom, Airtel, Telcom iyo sidoo kale kaarka aqoonsiga qaran ee ID-card oo uu leeyahay Cumar Mwamkwaju Juma.
Baaritaano la sameeyay ayaa lagu ogaaday in labada eedeysane ay si sharci darro ah ku joogeen Kenya.
Mid ka mid ah eedeysanayaasha oo lagu magacaabo Opia, ayaa watay baasaboor dhacay, halka eedeysanaha kale uu ku andacooday in baasaboorkiisa uu ka lumay sanadkii hore.