DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo maanta ku sugan ismaamulka Busia

0
159

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta ku sugan ismaamulka Busia.
Waxaa uu halkaasi munaasabad lacag uruurin ah ugu sameyn doonaa ilaa 20 kaniisadood ka hor inta uunan xariga ka jarin mashruuca biyaha ee Malakisi-Malaba.
Barasaabka ismaamulka Busia ,Paul Otuoma ayaa sheegay in mashruuca biyaha ee maanta halkaasi laga daahfuraya ay ka faa’iidaysan doonaan shacabka ku nool shan ka mid ah deegaannada hoose ee deegaanka Waqooyiga Teso.

Madaxweynaha ayaa dadweynaha kula hadli doono magaalada Malaba ee deegaanka Waqooyiga Teso.
Madaxweyne William Ruto ayaa sidoo kale daahfuri doono mashruuc dhanka waddooyinka ah.
Shacabka Busia ayaa rajeynaya in madaxweynaha dalka uu ka hadlo amniga xadka ay la wadaagaan wadanka Uganda.