DHAGEYSO:Dowladda oo 6.7 bilyan u qoondeysay ganacsatada qaxwada

0
178

Dowladda dhexe oo adeegsaneysa wasaaradda horumarinta ganacsiyada yaryar iyo iskaashatooyinka ee dalka, ayaa lacag dhan 6.7 bilyan oo shilin u qoondeysay beeralayda soo saaro qaxwada.
Dhaqaalahan ayaa lagu horumarinaya beerista qaxwada ee dalka.
Wasiirka wasaaradda horumarinta ganacsiyada yaryar iyo iskaashatooyinka ee dalka, Simon Chelugui ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Nandi sheegay in la dejiyay xeelado lagu wanaajinayo suuqyada qaxwada ee wadanka.
Waxaa uu ballanqaaday inaysan sii jiri doonin dhaca laga gaysta qaybaha qaxwada ee wadanka taas oo khasaare u horseeday beeralayda.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ismaamulka Nandi iyo wasiirka iskaashatooyinka oo arrimahan ka hadlay ayaa waxaa hadalladoodi ka mid ah.