Raila oo dhaliilay soo jeedinta ah in wada hadal ay yeeshaan waaxda garsoorka iyo madaxweynaha dalka

0
262

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja Raila Odinga ayaa ku boorriyay madaxa cadaaladda ee dalka Martha Koome in ay ka tanaasusho soo jeedinteeda ku aadan in wada hadal lala galo madaxweynaha dalka William Ruto, si meesha looga saaro eedeymaha musuqmaasuqa ee ka dhanka ah waaxda garsoorka.
Mr. Odinga ayaa sheegay in tallaabadaasi ay burburin doonto kalsoonida shacabka ee dhanka garsoorka.
Hadalka ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa yimid ka dib markii madaxa cadaaladda ee wadanka ay soo jeedisay in wada hadal uu dhexmaro guddiga adeegga garsoorka iyo madaxweynaha.
Madaxweynaha dalka ayaa marar badan sheegay in qaar ka mid ah xaakinnada maxkamadaha ka howlgalo ay sameynayaan musuqmaasuq iyagoo kaashanaya shakhsiyaad dano gaar ah leh.