Waxaa maanta magaalada Nairobi ka dhacay dibadbax ay dhigeen xubnaha ururka qareennada dalka ee LSK oo ka soo horjeestay dhaliillo uu madaxweyne William Ruto u jeediyay waaxda garsoorka.
Waxaa mudaaharaadka ka qayb galay madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka.
Xubnaha LSK iyo ururrada kale ee dhanka sharciga ee gobolka ayaa madaxweynaha dalka ka dalbaday inuu joojiyo weerarrada dhinaca afka ah ee uu ku qaadaya waaxda cadaaladda.
Ka hor inta aynan socodkooda ka billaabin xarunta dhexe ee maxkamadda ugu sarreysa dalka ee Supreme Court ee magaalada Nairobi ayuu Mr. Musyoka dhaliilaha waaxda garsoorka uga imaanaya madaxweynaha ku tilmaamay kuwo aan la aqbali karin.
Waxaa uu tilmaamay in ay dib u dhac ku keenayaan horumarka laga gaaray adeegsiga dastuurka dalka u degsan.
Mr. Musyoka ayaa madaxa laanta garsoorka ee dalka Martha Koome iyo xaakinnada la shaqeeya u sheegay inay garab taagan yihiin.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in aynan jirin cid ka sarreysa sharciga.
Ururka qareennada dalka ee LSK ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ka dalbaday inuu ka laabto hadalkiisi ahaa in uu dafiri doono amarrada maxkamadda maadaama sida uu hadalka u dhigay ay yihiin kuwo lagu hor istaagaya horumarka qaranka.
Madaxa LSK, Eric Theuri ayaa sheegay in hoggaamiyaha dalka marka uu gudanaha waajibaadkiisa dastuuriga ah laga doonayo inuu u hoggaansamo xeerarka wadanka u degsan.
Ururka garsoorayaasha waddamada barwaaq-sooranka ee Commonwealth ee (CMJA), Ururka aqoonta sharciga ee daladda barwaaqa-sooranka ee (CLEA) iyo ururka qareennada Commonwealth ee(CLA) ayaa sidoo kale cambaareeyay dhaliilaha uu madaxweynaha dalka William Ruto u jeedinayay waaxda garsoorka.
Waxay sheegeen in laga doonayo in tabashooyinka uu qabo ee dhanka musuqmaasuqa uu ku gudbiyo habraaca habboon si guddiga adeegga garsoorka ee JSC uu baaritaano u sameeyo.
Qareennada dalka ee maanta dibadbaxa ka sameeyay ismaamullada Nairobi iyo Mombasa ayaa dareenkooda sidatan u muujiyay.