Nin adeegsanayay magaca Mike Sonko oo la xiray

0
201

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in xabsiga loo taxaabay nin 29 sano jir ah oo ku eedeysan in uu adeegsanayay magaca barasaabkii hore ee ismaamulka Nairobi Mike Sonko.
Waxaa uu kumanaan shilin oo lacagta dalka ah ka qaatay qaar ka mid ah dadweynaha oo aan xeeladiisa ka shakin oo uu ka dhaadhiciyay bixinta amaah waxbarasho.
Eedeysanaha ayaa lagu magacaabaa Newton Paul Kengere.
Saraakiisha waaxda dambi baarista ayaa tuhmanaha ka soo qabtay deegaanka hoose ee Riokindo Ward ee ismaamulka Kisii ka dib markii Mike Sonko uu cabasho arrinkan ku aaddan u gudbiyay saldhigga booliiska ee Capitol Hill .
Mike Sonko ayaa sheegay in eedeysanaha uu barta Facebook-ga ka furtay dhowr akoon isagoo sheegaya inuu la shaqeeyo kooxda samatabixinta ee Sonko Rescue Team oo uu isku duba rido dadaallo ardayda ka soo jeedo qoysaska danyarta ah looga caawiyo dhanka waxbarashada.
Kengere ayaa dadka ka dalbanayay inay isku diiwaangeliyaan lacag dhan 1,000 shilin si uu u caawiyo.