Hay’adda Oxfam oo sheegtay in maalin kasta Qaza lagu dilo 250 ruux

0
218

Hay’adda samafalka ee Oxfam ayaa sheegtay in dilalka shacabka ee laga gaysanaya Qaza ay gaareen heer aan taariikh ahaan horay loo arag.
Waxay hay’addu hoosta ka xarriiqday in isku celcelis ahaan ay Israa’iil maalin kasta gudaha Qaza ku disho 250 qof.
Tirada dhimashada ee halkaasi laga diiwaangeliyay ayay ku sheegtay in ay ka badan tahay tirada dadka ku nafwaayay dagaallada caalamka ee qarnigan 21-aad.
Oxfam ayaa intaasi ku dartay in xaaladda ka taagan Qaza ay sii noqotay mid cakiran ka dib markii ay Israa’iil xaddiday gargaarka baniaadannimo ee halkaasi la geynaya.
24-kii saacadood ee ugu dambeeyay waxay Israa’iil weerarro ku dishay ugu yaraan 112 qof halka 194 kalena la dhaawacay.
Sidoo kale waxaa weli la la’yahay 7,000 oo qof sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka ee Qaza.