Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka oo la kulmay madaxweynaha Falastiin

0
238

Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa maanta kulan la qaatay madaxweynaha dalka Falastiin Maxamuud Cabbaas.
In kastoo uu Maraykanka ugu baaqay Israa’iil inaynan bartilmaameedsan shacabka Qaza haddana waxaa weli socdo duqeymaha militari.
Ka dib markii uu Blinken gaaray magaalada Ramallah ee Daanta Galbeed ee la haysto ayaa waxaa isku soo baxay dibadbaxayaal sita boorar ay ku qoran yihiin jooji xasuuqa oo ha xorowdo Falastiin.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas uu la kulmi doono boqorka Jordan King Abdullah II iyo madaxweynaha dalka Masar, Cabdel-Fattaax al-Sisi.
Bayaan ka soo baxay qasriga boqortooyada Jordan ayaa lagu sheegay in kulankan uu ka qabsoomi doono magaala xeebeedda Aqaba ee dhanka Badda Cas.