Dowladda dhexe ayaa maxkamadda racfaanka ee dalka u gudbisay codsi ku aaddan in meesha laga saaro amarkii lagu hakiyay dhaqangelinta barnaamijka caymiska caafimaad ee bulshada ee SHIF.
Nidaamkan oo lagu beddelay NHIF ayaa lagu soo saaray xeer la dejiyay sanadkii hore.
Qareenka dowladda dhexe matalaya Fred Ngatia ayaa maxkamadda u sheegay in go’aankii soo baxay bishii 11-aad ee sanadkii hore uu kumanaan qof oo kenyaan ah ka hor istaagi karo inay helaan xuquuqdooda aasaasiga ee dhanka caafimaadka.
Dowladda ayaa ku doodaysa in garsoorihii amarkaasi bixiyay uu qaldamay.