Waxaa lagu soo warramayaa in mid ka mid ah wadayaasha dhugdhugleyda uu ku nafwaayay shil ka dhacay waddada xiriirisa degmada Madogo ee ismaamulka Tana River iyo dowlad deegaanka Garissa.
Wadaha mootada ayaa isla goobta ku dhintay ka dib markii uu jiiray baabuur xamuul oo siday shamiito.
Gaadiidleyda ayaa cabasho ka muujinaya waddadaasi oo aynan tayadeedu wanaagsanayn sidoo kalena bus badan leh.
Goobjoogayaasha shilkaasi ayaa warbaahinta uga warramay sida ay wax u dhaceen iyadoo dowladda ugu baaqay inay waddadaasi dayactir ku sameyso si looga badbaado shilalka waddooyinka.