Xildhibaanka deegaan baarlamaneedka Westlands ee ismaamulka Nairobi ,Tim Wanyonyi ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ku boorriyay inuu shaqada ka joojiyo wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha wadanka Prof. Njuguna Ndung’u.
Waxaa uu baaqiisa ku saleeyay in wasiirka uu ka dib dhacay bixinta lacagaha sanduuqa qaran ee horumarinta deegaannada ee NG-CDF.
Wanyonyi ayaa maanta sheegay in kastoo uu wasiirka horay baarlamaanka u sheegay in lacagtan lagu soo saaraya muddo kooban gudaheeda in haddana aynan taasi dhicin.
Xildhibaanka ayaa wasiirka u sheegay in haddii uunan sida ugu dhaqsiyaha badan u bixin lacagaha lagu horumariyo deegaannada , in mudanayaasha baarlamaanka ay xil ka qaadis ku sameyn doonaan.