5 haween ah oo isbitaalka la dhigay ka dib markii lagu sameeyay gudniinka fircooniga

0
1364

Shan haween ah oo ay da’doodu u dhexeyso 25 ilaa 35 ayaa la dhigay isbitaalka ismaamulka Bomet ka dib markii lagu sameeyay gudniinka nooca fircooniga ah ee loo yaqaano (FGM)
Waxaa haatan lagu daaweynaya Isbitaalka Longisa ee dowlad deegaankaasi.
Sida laga soo xigtay guddoomiyaha tuulada Cheboi ee ismaamulka Bomet Alfred Orwasa shanta haween ee gudniinka fircooniga maray la ayaa la soo qabtay ka dib markii xog arrinkan ku aaddan laga helay dadka deegaanka.
Waxaa sidoo kale gacanta lagu dhigay haweeneydii falkan fulisay oo magaceedu lagu sheegay Elizabeth Baliach oo ay da’adeedu tahay 80 sano jir iyadoo sidoo kale qalabkii ay gudninka u adeegsatay lala qabtay.
Eedeysanayaasha ayaa lagu wadaa in la soo taago maxkamadda sharciga ee ismaamulka Bomet marka ay booliisku soo gabagabeeyeen baaritaannada.
Booliska ayaa dhanka kale sheegay in laba haween ah ay goobta ka baxsadeeen si aan loo xirin.
Bartamihii bishii hore ayay ahayd markii maxkamadda sare ee dalka ay taageertay mamnuucidda gudniinka Fircooniga.
Waxaa arrinkan soo dhaweeyay dadka u ololeeya ciribtirka nidaamkan.
Xaakiinada ayaa isku raacay in dhaqankan uu xadgudub ku yahay xuquuqda dumarka sidoo kalena wax u dhimaya caafimaadka iyo sharaftooda.
Garsoorayaasha ayaa sheegay in mararka qaar ay dhimasho ka dhalato gudniinka fircooniga.
Qiyaastii 200 milyan oo gabdho iyo haween ah oo adduunka oo dhan ku nool ayaa lagu sameeyey gudniinka Fircooniga.
Waxaa dhaqankan caada ka dhigtay ugu yaraan 27 dal oo Afrikaan ah iyo qaybo ka mid ah qaaradda Aasiya iyo Bariga Dhexe.
Sanadkii 2011-kii ayay ahayd markii dowladda Kenya ay dembi ka dhigtay gudiinka fircooniga ee loo yaqaano FGM-ka waxaana xilligaas la soo saaray xeer dhigaya in cidii ku lug lahaato la xiraya saddex sano ama laga qaadaya ganaax lacageed oo dhan 215,500 oo shilin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here