Kalonzo Musyoka oo sheegay in uu 2027 u tartami doono xilka madaxtinnimo

0
240

Hoggaamiyaha xisbiga Wiper kana mid ah mas’uuliyiinta sare ee isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja ,Kalonzo Musyoka ayaa sheegay inuu sanadka 2027-da u tartami doono hoggaanka ugu sarreeya wadanka.
Wareysi uu siiyay wargeyska maxalliga ee The Standard ayuu ku sheegay in uu xilligaasi loollan adag oo hoggaamineed la geli doono madaxweyne William Ruto.
Mr. Musyoka ayaa xusay in aan qorshahan laga hor istaagi karin xita haddii ay xisbiyada kale ee ka tirsan isbeheysiga Azimio soo saaraan musharraxiin madaxweyne.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in xita haddii uu Raila Odinga tartamaya sanadka 2027-da in uunan u tanaasuli doonin.