Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya In ka badan 200 oo neef oo laga dhacay Marsabit

In ka badan 200 oo neef oo laga dhacay Marsabit

Koox hubeysan oo aan tiradoodu weli si rasmi ah loo ogaan ayaa in ka badan 200 oo neef oo lo’a ah kala baxsaday aagga loo yaqaano Dimtu ee deegaanka Sololo ee ismaamulka Marsabit .
Waxaa dhacdadan warbaahinta u xaqiijiyay guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo Marsabit Paul Rotich.
Sarkaalkan ayaa sheegay in la howlgeliyay ciidamo dheeraad ah oo ku raad joogo burcadda si ay gacanta ugu soo dhigaan.
Mr .Rotich ayaa xoolo dhaqatada ku booriyay in ay ka gudbaan dhaca xoolaha oo uu ku tilmaamay caado dhaqameed aan wanaagsanayn oo laga soo gudbay.
Xildhibaanka Moyale Qalicha Gufu ayaa dhankiisa saraakiisha ammaanka ugu baaqay in ay dardargeliyaan howlgallada dib loogu soo celinaya lo’ada la kaxeysatay sidoo kalena dambiilayaasha lagu soo qabanaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments