In ka badan 40 ka mid ah xildhibaanada bartamaha dalka oo yeeshay kulan ku saabsan taageeridda Ruto

0
741

Ugu yaraan 40 ka mid ah siyaasiyiinta gobolka bartamaha dalka ayaa yeeshay kulan lagu tilmaamay istaraatiiji.
Warbaahinta maxalliga ee Citizen ayaa ku warramaysa in xildhibaanada ay ku kulmeen hooyga xildhibaanka deegaanka Mathira Rigathi Gachagua.
Waxay ka wada hadleen sida ay u xoojin karaan taageerada siyaasadeed ee ay ku garab istaagayaan ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto oo doonaya in 2022-ka uu la wareego hoggaanka ugu sarreeya wadanka.
Wararka ayaa intaa ku daraya in xildhibaanada kulanka ka qayb galay ay ka soo jeedaan 11 ismaamul.
Mr. Rigathi Gachagua ayaa sheegay in ay isla eegayaan sida gobolka bartamaha dalka uu dhanka horumarka kaga faa’iidi doono dowladda dhexe sanadka 2022-ka.