In ka badan 3,500 oo ka mid ah shacabka Mombasa oo ka faa’iidaystay adeeg caafimaad

0
189

Laanta tabarucaadda ee shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ee M-PESA Foundation ayaa ismaamulka Mombasa ee gobolka Xeebta ka fidisay adeeg caafimaad oo ay ka faa’iideen in ka badan 3,500 oo ruux.
Waxaa sidoo kale barnaamijkan ka qayb qaatay hay’adda Zuri Health iyo isbitaalka Lion Sight First Eye Hospital.
Adeegga caafimaad ayaa si lacag la’aan ah looga bixiyay xarunta dugsiga hoose dhexe ee at Consolata ee deegaan baarlamaneedka Likoni.
Sidoo kale waxaa isbitaalka umusha ee Mrima laga bixiyay agab ay ka mid yihiin xafaayado, saabuun iyo suufka ay haweenka isku nadiifiyaan xilliga caadada.
Tan iyo bishii Shanaad ee sanadkii hore , waxaa adeegyadan caafimaad ka faa’iidaystay in ka badan 30,000 oo qof oo ku kala sugan ismaamullada Lamu, Nairobi, Machakos, Trans Nzoia, Narok, Meru, Kakamega, Kisumu, Nyandarua iyo Mombasa.
90 qof oo dheeraad ah ayaa muddo hal sano ah laga bixiyay qarashaadka caymiska qaran ee caafimaadka ee NHIF.
Xaawa Cali oo ka mid ah dadka ku nool deegaanka Likoni oo adeeggan caafimaad ee lacag la’aanta ah ka faa’iiday ayaa dareenkeeda warbaahinta la wadaagtay.