Dowladda oo adeegga intarneetka gaarsiinaysa 12 ismaamul

0
221

Dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaaday in ay adeegga intarneetka gaarsiin doonto 12 ka mid ah dowlad deegaanada wadanka.
Waxaa qorshahan lagu maalgelinaya sanduuqa adeegga guud ee (USF) iyadoo meelaha ka faa’iidaysanaya ay ka mid tahay ismaamulka Kajiado.
Xoghayaha maamulka sare ee wasaaradda isgaarsiinta ee dalka Eric Kiraithe ayaa sheegay in 12-ka ismaamul ee barnaamijkan laga hirgelinaya ay yihiin kuwo tuulooyinka hoos tago aynan lahayn adeegga isgaarsiinta.
Waxaa uu intaasi ku daray in tani looga gol-leeyahay in dadweynaha loo fududeeyo helidda adeegyada dowladda iyo in dhallinyarada ay helaan shaqooyinka online-ka ah.