Maamulayaasha dugsiyada oo looga digay in ay laaluush ka dalbadaan ardayda ku biiraya dugsiyada sare

0
297

Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa waalidiinta ardayda ku biiraya fasalka koowaad ee dugsiyada sare ee dalka ku wargeliyay in haddii maamulayaasha xarumahan ay ka dalbadaan bixinta lacag laaluush ah in ay warbixin la soo wadaagaan guddiga.
Waxaa arrinkan ka hadlay afhayeenka guddiga EACC ,Eric Ngumbi.
Mr. Ngumbi ayaa hoosta ka xarriiqay in guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa uu helay cabashooyin uga yimid waalidiin walaac ka muujinaya in maamulayaasha qaar ka mid ah dugsiyada caanka ah ay ku xireen inay laaluush bixiyaan si carruurtooda loo siiyo warqadda qaabilaadda ardayda.
Waxaa uu intaasi ku daray in lacagaha waalidiinta lagu xiraya ay yihiin laga billaabo 10,000 oo shilin ilaa 100 kun ama 150,000 oo shilin.
Afhayeenka EACC ayaa sheegay in qaar ka mid ah dugsiyadan ay yihiin kuwo ay gabdhaha dhigtaan.
Isagoo arrintan cambaareynaya ayuu sheegay in ay qalad tahay in waalidiinta oo xilligan wajahaya culeysyo dhaqaale in laaluush la waydiisto.
Waxaa uu qorshuhu yahay in ardaydii sameeyay imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da ay dugsiyada sare ee wadanka ku biiraan 15-ka bishan Jannaayo.