DCI oo doonaysa in 21 cishe ay xabsiga ku jiraan eedeysanayaasha dilkii Sniper

0
233

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa doonaysa in maxkamadda ay u oggolaato in 21 cishe ay xabsiyada ku sii jiraan 5 eedeysanayaal.
Shakhsiyaadkan ayaa lala xiriirinaya dilkii loo gaystay Daniel Muthiani oo ka mid ahaa dadka warbixinnada ku soo daabaca baraha bulshada iyo shabakadaha intarneetka oo ka howlgalayay ismaamulka Meru.
DCI ayaa sheegtay inay saddexda toddobaad gudahooda ku soo gabagabeyn doonto baaritaannada ka dhanka ah tuhmanayaasha.
Daniel oo loo yaqaanay Sniper ayaa la waayay 2-dii bishii Diseembar ee sanadkii hore ka hor inta aan meydkiisa la helin 16-kii isla bishaasi.
Shanta eedeysanayaal ee ku jiro gacanta laamaha ammaanka ayaa lagu kala magacaabaa Kenneth Mutua Gatiri ,Fredrick Muruiki Kiugi ,Frankline Kimathi ,Timothy Kinoti iyo Murangiri Kenneth Guantai .