Afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House ee magaalada Nairobi Xuseen Maxamad ayaa difaacay hoggaamiyaha wadanka William Ruto.
Tani ayaa timid ka dib markii dhaliil xooggan ay ka dhalatay hadal uu dhawaan jeediyay madaxweynaha kaasoo ka dhan ahaa waaxda garsoorka ee dalka.
Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in kastoo ay qadarinayaan madax bannaanida garsoorka haddana in aynan marnaba oggolaan doonin in shakhsiyaad gaar ah ay garsoorka wadanka u adeegsadaan inay ku carqaladeeyaan dhaqangelinta mashaariicda dowladda sida caafimaadka iyo guriyeynta.
Xuseen Maxamad ayaa hoosta ka xarriiqay in kastoo madaxweynaha uu tixgelinaya xurriyadda dastuuriga ah ee waaxda garsoorka haddana inuu ku gar leeyahay in uu ka hadlo qaladaadka iyo musuqmaasuqa ka dhex jiro waaxdan.
Ururka qareennada dalka ee LSK iyo kooxo kale ayaa madaxweynaha ku eedeyay inuu ka tallaabsaday waajibaadkiisa dastuuriga ah.
Hasa ahaate , afhayeenka State House Xuseen Maxamad ayaa carrabka ku adkeeyay in shaqaalaha waaxda garsoorka la dhaliili karo haddii aan lagu qancin habdhaqankooda.
Waxaa uu xusay in aan lagu gabban karin madax bannaanida waaxda cadaaladda oo ay qasab tahay in garsooraha lala xisaabtamo haddii uu dastuurka baal maro.
Xuseen Maxamad ayaa sheegay in horumarka Kenya ay dib u dhigayaan shakhsiyaad caadeystay musuqmaasuqa iyo kuwo dani gaar ah leh oo doonaya inay caqabad ku noqdaan horumarka qaran.




