Musalia Mudavadi oo difaacay go’aammada dowladda dhexe

0
258

Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda , Musalia Mudavadi ayaa sheegay in go’aammada adag ee la xiriira dhaqaalaha ee ay qaadanaysa dowladda dhexe aan la doonayn in lagu dhibaateeyo kenyaanka balse in ay ugu dambeyn ka faa’iidaan tallaabooyinkan.
Mudavadi ayaa hoosta ka xarriiqay in maamulka Kenya Kwanza uu si istaraatiijiyad leh ugu dhiirraday isbeddello wadanka lagu horumarinayo.
Waxaa uu tilmaamay in qaar ka mid ah go’aammada dowlada ay yihiin kuwo aan fududeyn, la dhibsan karo , aan horay looga baran balse lagama maarmaan ah.
Madaxa wasiirrada ee dalka ayaa sheegay in dowladdu ay ku dadaalaysa xallinta caqabadaha wadanka ka jiro gaar ahaan la tacaalidda deymaha shisheeye.
Waxaa uu intaasi ku daray in maamulka uu ka tirsan yahay ay ka go’an tahay oofinta waxyaabihii uu dadweynaha u ballan qaaday xilligii ololihii doorashada ee sanadkii 2022-kii.