Japan oo digniin ka soo saartay Musiibada Tsunami xili uu dhacay dhulgariir

0
261

Japan ayaa soo saartay digniino ka dhan Musiibada Tsunami iyadoo dadka ugu baaqday inay ka guuraan meelaha xeebaha ah ka dib markii ay dhowr dhul gariir xoog leh ku dhufteen xeebaha galbeedka ee dalkaasi.
Wakaaladda saadaasha hawada ee Japan ayaa sheegtay in dhulgariir ka dhacay xeebaha Ishikawa iyo maamul goboleedyada u dhow, uu cabirkiisu yahay 7.6.
Dhanka kale Gobolka Gangwon ee Kuuriyada Koonfureed ayaa uga digay dadka deegaanka inay taxaddaraan oo ay u guuraan dhulalka uu joogoodu sarreeyo.
Waaxda saadaasha hawada ee Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in mowjad tsunami ah oo dhererkeedu dhan yahay 45cm ay gaartay xeebta bari ee magaalada Mukho ee gobolka Gangwon.