Sicir bararka dalka oo yaraaday

0
553

Waaxda qaran ee qaabilsan tirakoobka ee KNBS ayaa shaaca ka qaadday inuu in yar hoos u dhacay sicir bararka.
Qiimaha sicir bararka ee bishan ayay waaxdu ku sheegtay boqolkiiba 6.6 halka bishii hore uu ahaa boqolkiiba 6.8.
KNBS ayaa kororkii hore ee sicir bararka ee jiray u aaneysay in ay kordheen qiimaha howlaha gaadiidka boqolkiiba 11.7 , guriyeynta,biyaha, korontada , gaaska iyo shidaalka kale (boqolkiiba 8.3) , qiimaha cuntooyinka iyo cabitaannada kale ee aan khamriga ahayn oo kordhay (boqolkiiba 7.7) intii u dhexeysay bishii Diseembar ee sanadkii hore ilaa bishan.