Raila oo mucaaradka ka difaacay dhaliil loo jeediyay

0
164

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja , Raila Odinga ayaa gaashaanka u daruuray dhaliil loo jeediyay garabka mucaaradka ee dalka oo ahayd in aynan ka soo bixin waajibaadkooda ku aaddan la xisaabtanka dowladda.
Wareysi uu siiyay telefishinka maxalliga ee Citizen ayuu ku sheegay in mucaaradka uu doorkiisa ka qaatay inuu dowladda talada haysa ku cadaadiyo wax ka qabashada xaaladda dhaqaale ee ay kenyaanka walaaca ka muujinayaan.
Mr. Odinga ayaa beeniyay inay ka aamuseen waxyaabaha ay dowladdu sameynaysa iyo xeerarkeeda.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaa xusay inay si joogto ah uga hadleen arrimaha shidaalka , musuqmaasuqa iyo qiimaha sarreeya ee maciishadda.
Mr.Odinga ayaa intaasi ku daray in garabka dowladda ee Kenya Kwanza uu ka soo horjeestay qaar ka mid ah qodobbadii ay mucaaradku dalbanayeen xilligii wada hadalladii siyaasadeed ee xarunta Bomas ee magaalada Nairobi.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay xal u helidda murankii ka dhashay natiijadii doorashada ee sanadkii hore iyo in dib loo eego qaladaad ay Azimio ku adkeysanaysa inay dhaceen.
Raila Odinga ayaa sheegay in ay dowladda dhexe kula taliyeen in ay yareyso canshuurta si kenyaanka looga fududeeyo culeysyada nololeed ee ay wajahayaan.
Raila ayaa su’aal geliyay sababta madaxweynaha dalka William Ruto iyo ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua aynan dakhli badan u soo xareyn haddii ay hoggaanka qabteen iyadoo uu wadanku lacag la’aan yahay.