Laamaha ammaanka ayaa gacanta ku dhigay eedeysanayaal gaaraya 28.
Dadkan ayaa loo haystaa inay ku kaceen ganacsi khiyaano ku saleysan oo dhanka dahabka ah.
Fadeexaddan oo la rumeysan yahay inay ku saleysan tahay qiimo lacageed oo dhan 2.85 bilyan oo shilin ayaa laga soo tabiyay xaafadda Kileleshwa ee magaalada Nairobi.
Waxaa eedeysanayaasha xiray saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da xilli ay iska dhigayeen inay yihiin ganacsato awood u leh inay 500 oo kiilogaraam oo dahab ah ka iibiyaan labo muwaadin oo u dhashay Malaysia.
Labada qof ayaa ciidamada ammaanka u sheegay inay tuhmanayaasha ku wareejiyeen lacag dhan 6,350 oo doolar oo qayb ka ahayd qiimihii lagu heshiiyay.
DCI ayaa sheegtay in 7-da qof ee la xiray ay tan iyo 19-kii bishii Tobnaad ee sanadkan ganacsatada ka soo jeeda wadanka Malaysia ay kula xiriirayeen baraha bulshada iyagoo adeegsanaya magaca shirkadda Rock Africa Minier.
Magacyada eedeysanayaasha ayaa kala ah Didier Muke oo u dhashay Congo ,Brian Otiende, Patrick Otieno, Joshua Ngandi, Charles Vincent Njerenga, Mark Kabete iyo Ken Kiboi .
Laamaha ammaanka ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabtay tuhmanayaasha sidoo kale lagu soo helay kombiyuutarro , dokumeentiyo , dareeska shirkadda amniga ee G4S , 5 baabuur iyo dahab faalis ah oo loo adeegsan doono baaritaannada socdo.




