DHAGEYSO:Raila Odinga oo sheegay inuu sanadka cusub shaacin doono tallaabo hor leh

0
192

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya , Raila Odinga ayaa sheegay in sanadka cusub ay garabka mucaaradka cadaadis dheeraad ah saari doonaan dowladda talada haysa.
In kastoo uunan si cad u sheegin inay mudaaharaadyo dhigi doonaan haddana waxaa uu tilmaamay inay qasab tahay in la yareeyo qiimaha sarreeya ee maciishadda .

Isbeheysiga Azimio ayaa sanadkan gudihiisa dhigay dibadbaxyo waawayn oo ka dhan ahaa Kenya Kwanza in kastoo ugu dambeyn la billaabay wada hadallo siyaasadeed oo 25-kii bishii 11-aad warbixin laga soo saaray.
Hasa ahaate Raila iyo xulafadiisa siyaasadeed ayaa weli ku adkeysanaya in sicir bararka nololeed ee dalka ka jiro aan loo sii dulqaadan karin.