Madaxweynaha dalka Sri Lanka Ranil Wickremesinghe ayaa cafis madaxweyne u fidiyay ugu yaraan 1,000 qof oo maxaabiis ah .
Dadkan ayaa laga saaray xabsiyo ay ku jireen guud ahaan wadankaasi.
Maxaabiista maanta la fasaxay ee gaaraya 1,004 waxaa ka mid ahaa kuwo ku guul dareystay inay bixiyaan lacago ganaax oo la saaray sida uu sheegay guddoomiyaha guud ee waaxda asluubta ee dalka Sri Lanka , Gamini Dissanayake .
Tani ayaa ku soo beegmaysa iyadoo howlgallo toddobaad socday oo ay fuliyeen ciidamada booliiska oo garab ka helaya kuwa militariga lagu soo xiray ku dhawaad 15,000 qof oo lagu eedeyay ka ganacsiga maandooriyaha.




