DHAGEYSO:Gachagua oo ku baaqay in la iska dhaga-tiro dadka dowladda ku dhaliilaya xaaladda dhaqaalaha

0
253

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa kenyaanka ku boorriyay in aynan dhageysan dhaliilaha ku saabsan xaaladda dhaqaalaha ee loo jeedinaya maamulka wadanka hoggaamiyo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in geeddisocodka dib loogu soo noleynaya dhaqaalaha uu si habsami leh u socdo.
Gachagua ayaa mar kale carrabka ku adkeeyay in isaga iyo William Ruto ay talada dalka la wareegeen xilli dhaqaalaha uu aad u hooseeyay.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Nyeri sheegay in madaxweynihii saddexaad ee dalka Mwai Kibaki ay waqti ku qaadatay inuu wanaajiyo xaaladda dhaqaale balse uu ugu dambeyn ku guulaystay iyagana ay rajeynayaan in xaaladda ay is beddesho.