Madaxweynaha dalka oo midnimo ugu baaqay shacabka

0
208

Madaxweynaha dalka William Ruto oo kenyaanka la wadaagayay farriintiisa ku aaddan xilli fasaxeedka Christmas ayaa dadweynaha ku boorriyay inay ku dadaalaan midnimada iyo wadajirka.
Waxaa uu muwaadiniinta ka codsaday inay xilligan gacanta u fidiyaan oo ay caawiyaan qaybaha liita ee bulshada.
Madaxweyne Ruto ayaa qaranka u rajeeyay sanad cusub oo barwaaqo ah.
Marwada koowaad ee dalka Rachel Ruto ayaa dhankeeda kenyaanka ugu baaqday inay muujiyaan dabbar adeyg ka dhan ah xaaladaha adag ee ay wajahayaan.
Jimcihii ayay ahayd markii uu qoyska koowaad hadyado guddoonsiiyay boqolaal qof oo ka mid ah shacabka ismaamulka Uasin Gishu.
Dadkan ayaa la siiyay cuntooyin ay ka mid yihiin burka , bariiska iyo saliidda cuntada lagu karsado.