Shirkadda KPLC oo shaacisay in meelo ka tirsan Kisumu ay korontada ka maqnaan doonto

0
294

Shirkadda adeegga korontada ee dalka ee Kenya Power ayaa shaaca ka qaadday meelo dhowr ah oo ka tirsan ismaamulka Kisumu oo ay maanta korontada ka maqnaan doonto.
Cilladdan ayaa jiri doonto inta u dhexeysa 9-ka subaxnimo ilaa 9:30 fiidnimo ee caawa.
Bayaanka Kenya Power waxaa ku cad in goobahan ay ka mid yihiin Ndugu Transport, Kibos Sugar, Kisumu Concrete ,shirkadda Abbysinia Company iyo aagagga u dhow.