Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo howlgallo ka fuliyay Mudug

0
298
Somali National Army soldiers, some pretending to hold a weapon, take part in a training exercise on March 28, 2013, at the AMISOM Jazeera Training Camp on the outskirts of Mogadishu, Somalia. (Phil Moore/AFP/Getty Images)

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya , Daraawiishta Galmudug iyo xoogagga deegaanka ayaa maalmihii la soo dhaafay Al-Shabaab ka sifeeyey Dhul ballaaran oo ay kaga sugnaayeen Koofurta gobolka Mudug.
Deegaanka Shabeelloow oo ah fadhigii ugu waynaa ,tuulada cadaleey,waddada muhiimka ah ee isku xirta Camaara iyo Ceelbuur,Buurta Yacgoos oo iyana ah meel istaraatiiji ayaa laga ciribtiray Al-Shabaab sida ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya.
Howlgalladan oo socday maalmihii la soo dhaafay ayaa weli lagu guda jiraa.