Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa kenyaanka ku boorriyay inay noqdaan wadaniyiin wadankooda jecel oo ilaaliya mabaadi’ida aasaasiga ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in muwaadiniinta laga doonayo inay aragti wanaagsan ka haystaan qarankooda xaalad kasta oo la wajahaya..
Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in caqabadaha dalka ka taagan ay yihiin kuwo lala tacaalaya.
Xilli uu ku sugnaa magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu ayuu William Ruto arrin walaaceeda leh ku sheegay in dad aan wadanka joojin ay boggaadinayaan horumarka la sameeyay balse qaar ka mid ah kenyaanka ay dhaliilayaan qarankooda.
Hoggaamiyaha dalka ayaa intaasi ku daray in ay jiraan shakhsiyaad buunbuuninaya xaaladaha taagan halkii ay wadaniyad muujin lahaayeen.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xaaladda dhaqaale ee dalka aynan hadda ahayn sidii hore .
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in Bangiga Adduunka uu sheegay in Kenya ay tahay dalka 29-aad ee caalamka marka la eego kobcinta dhaqaalaha.
Sidoo kale waxaa uu xusay in Bangiga Adduunka uu Kenya ku sheegay waddanka saddexaad ee lacagaha ugu badan looga soo xawilo qurbaha.
Madaxweynaha ayaa ku celceliyay inay jiraan sababo badan oo ay shacabka ugu faani karaan wadankooda.
Dr. William Ruto ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in mar dhow laga gudbi doono culeysyada la wajahaya.




