WFP oo joojisay bixinta gargaarka ee qaybo ka mid ah Suudaan

0
256

Barnaamijka cunnada adduunka ee WFP ayaa si ku meel gaar ah u joojiyay gargaarka cunno ee uu ka bixinayay qaybo ka mid ah dalka Suudaan gaar ahaan gobolka al-Jazirah.
Waxay halkaasi ku caawinaysay in ka badan 800,000 oo qof.
Tani ayaa loo aaneeyay dagaalka Suudaan ee ku sii fidaya Koonfurta iyo Bariga caasimadda wadankaasi ee Khartoum.
WFP ayaa sheegtay in qiyaastii 300,000 oo qof ay maalmo gudahooda uga barakaceen gobolkaasi oo ay horay xaaladiisu degganayd balse ay dagaallo ka billowdeen toddobaadkii hore.
Waxaa cunno yari aad u daran wajahaya ku dhawaad 18 milyan oo ruux oo ku nool dalka Suudaan sida laga soo xigtay barnaamijka cunnada adduunka ee WFP.