Golaha barasaabyada oo dhaliilay warbixin ay soo saartay maareeyaha miisaaniyadda dowladda

0
236

Golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada wadanka ee CoG ayaa gaashaanka u daruuray warbixin ay dhawaan soo saartay maareeyaha miisaaniyadda dowladda ,Margaret Nyakang’o.
Waxaa warbixinta lagu sheegay in Toban ka mid ah dowlad deegaannada Kenya aynan lacago ku bixin arrimaha horumarka saddexdii bilood ee ugu horreysay sanadkan.
Hasa ahaate guddoomiyaha golaha CoG Anne Waiguru ayaa sheegtay in ismaamullada ay caqabado badan kala kulmayaan geeddisocodka dhaqangelinta mashaariicda horumarineed.
Waiguru ayaa tusaale u soo qaadatay geeddisocodka bixinta qandaraasyada , maareynta qarashaadka ay adeegsadaan ismaamullada iyo deymaha lagu leeyahay.
Waxay hoosta ka xarriiqday in dhammaan lacagaha ay isticmaalaan ismaamullada uu ansixiyo xafiiska maareeyaha miisaaniyadda dowladda sidaasi awgeedna aynan dhanka kale suurtagal ahayn in dowlad deegaannada laga filaya inay isku jaangooyaan miisaaniyadda uga baxda howlaha kala duwan iyo mashaariicda horumarineed.
Anne Waiguru ayaa intaasi ku dartay in ismaamullada ay u hoggaansamaan geeddisocodka qandaraasyada oo ah mid aan fududeyn oo mararka qaar adkeeya in la helo miisaaniyadda horumarineed.