Ganacsatada dalka ayaa hadda ka dib heli doono inay badeecooyinkooda si canshuur la’aan ah ugu iibgeeyaan suuqyada ku yaalla waddamada hoos tago Midowga Yurub.
Tani ayaa timid ka dib heshiis ganacsi oo ay wada saxiixdeen Kenya iyo Midowga Yurub.
Heshiiskan ayaa ku kacaya qiimo lacageed oo dhan 14 Tiriliyoon oo lacagta Euro una dhiganta 2.3 Tiriliyoon oo shilin.
Is afgaradkan oo lagu saxiixay xarunta madaxtooyada State House ee magaalada Nairobi ayaa waxaa qalinka ku wada duugay wasiiradda wasaaradda ganacsiga ee dalka Rebecca Miano iyo safiirka Midowga Yurub ku matasho Kenya Henriette Geiger.
Badeecooyinka halkaasi loo iibgeyn doono waxaa ka mid ah kalluunka , ubaxyada , qudaarta sida afakaadaha iyo waxyaabo kale.
Heshiiskan ayaa la filayaa inuu xoojiyo iskaashiga ganacsi,maalgashi iyo dhaqaale ee Kenya iyo Midowga Yurub.




