Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Rw Rooble oo madaxda wasaaradda caafimaadka faray dardar gelinta dagaalka COVID-19

Rw Rooble oo madaxda wasaaradda caafimaadka faray dardar gelinta dagaalka COVID-19

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta Booqasho ku tegay Xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda.
Wasiirka Wasaaradda Caafimadka Dr. Fowsiya Abiikar Nuur, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Caafmaadka Dr. Axmed Macalim Xussen, Agaasimayaasha iyo dhamaan Shaqaalaha Wasaaradda ayaa si wadajir u ah usoo dhaweeyay Ra’iisal Wasaaraha.
Ra’iisul Wasaare Eng . Maxamed Xuseen Rooble ayaa mid mid u booqday xafiisyada ay shaqaalaha Waasaaradda ku shaqeeyaan isagoo bogaadiyay Shaqada ay u hayaan Ummadda Soomaaliyeed iyo Dhabar adeygii ay muujiyeen ee la dagaalanka caabuqa Covid19 iyo joogteynta Adeegyada Guud ee Caafimadka bulshada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyntii ku dhiiri galiyay shaqaalaha iyo Madaxada wasaaradda inay sii laba jibbaaraan shaqada ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments