ATMIS oo bogaadisay doorka amni ee Kenya

0
194

Ciidamada ammaanka ee Kenya ayaa lagu bogaadiyay doorka ay ka qaataan arrimaha nabad galyada ee gobolka iyo si guud qaaradda Afrika.
Waxaa arrintan ka hadlay taliyaha howlgalka ku meel gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) Lt. General Sam Okiding.
Taliyaha ayaa xusay in Kenya ay door muhiim ah ka qaadatay xasilloonida iyo horumarka Afrika sidaasi awgeedna uu ciidamadeeda ku bogaadinaya geesinnimada iyo sida xirfadda leh ee ay u shaqeeyaan.
Waxaa uu tilmaamay in dadaalkooda iyo kaalintooda amni ay tahay mid la aqoonsan yahay.