Israa’iil oo weli duqeymo ka wado Jenin

0
295

Militariga Israa’iil ayaa tan iyo aroornimadii hore ee Talaadada duqeymo dhanka cirka ah ka fulinaya magaalada Jenin ee dalka Falastiin.
Waxaa halkaasi lagu dilay ugu yaraan 10 qof oo Falastiiniyiin ah.
Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga dalka Falastiin ee UNRWA ayaa laga soo xigtay in tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkan la dilay ugu yaraan 288 qof oo Falastiiniyiin ah oo gabbaad ka dhiganayay xarumaheeda ku yaalla Qaza.
UNRWA ayaa intaasi ku dartay in duqeymaha Israa’iil uu uga dhintay shaqaale dheeraad ah.
Tani ayaa tirada guud ee howlwadeennada hay’addan ee la dilay laga soo billaabo 7-dii Oktoobar ee sanadkan ka dhigaysa 135.
Tirada guud ee Falastiiniyiinta ay Israa’iil ku dishay gudaha Qaza tan iyo xilligaasi ayaa hadda ah ugu yaraan 18,608 qof.