44 qof oo ku dhaawacmay shil ka dhacay Kericho

0
307

Waxaa la xaqiijiyay in 44 ruux ay ku dhaawacmeen shil laga soo tabiyay aagga loo yaqaano Londiani ee ismaamulka Kericho.
Waxaa shilka galay bas qaado rakaab dhan 66 qof oo halkaasi ku gadoomay.
Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka ee Kenya Red Cross ayaa sheegtay in shilkan uu dhacay aroornimadii hore ee maanta.
Waxay intaasi ku dartay in 40 ka mid ah dhaawaca la geeyay isbitaalka Fort Tenarn Hospital halka 4 kale loo sii gudbiyay isbitaalka wayn ee ismaamulka Kericho .
Ilaa iyo hadda lama soo tabin cid shilkaasi ku geeriyootay.