Guddoomiyaha ismaamulka Nyeri Mutahi Kahiga ayaa beeniyay inuu madaxweynaha dalka William Ruto ugu baaqay inuu shaqada ka joojiyo wasiirka wasaaradda tamarta ee dalka Davis Chirchir.
Bayaan kooban oo uu soo saaray ayuu ku sheegay inuu ku taliyay in xafiiska uu banneeyo wasiirka gaadiidka iyo waddooyinka Kipchumba Murkomen oo uunan ula jeedin Chirchir.
Waxaa uu xusay inuu walaac ka muujiyay koronto la’aanta dhowr mar saameysay gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi.




