Wasaaradda caafimaadka ee dalka Falastiin ayaa sheegtay in isbitaallada ku yaalla Waqooyiga Qaza aynan awoodin bixinta adeegyada caafimaadka.
Afhayeen u hadlay wasaaradda ayaa sheegay inuunan jirin daryeel caafimaad oo xarumahan laga heli karo.
Waxaa isbitaalladan ka mid ah al-Ahli Arab iyo Kamal Adwan Hospital.
Israa’iil oo weli duqeymo ka wado Qaza ayaa xakameysa gargaarka caafimaad ee la gaarsiiyo Qaza iyo tirada bukaanka ee meel ka baxsan halkaasi lagu daaweyn karo.




