Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Musalia Mudavadi ayaa soo dhaweeyay qorshaha ay dowladda Kenya meesha uga saareysa dal ku galka ama fiisaha marka la gaaro sanadka dambe.
Laga billaabo bisha 1-aad ee sanadka 2024-ta , waxaan dal ku gal lagu xiri doonin cid kasta oo Kenya imaanaysa sida uu shalay shaaciyay madaxweynaha dalka William Ruto.
Musalia Mudavadi ayaa xusay in tallaabadan ay horseedi doonto in wadanka ay yimaadaan dalxiisayaal iyo maalgashato badan.
Mudavadi ayaa intaasi ku daray in wasaaradaha iyo waaxyaha hoos tago ay guda geli doonaan in si degdeg ah arrinkan loo dhaqan geliyo.
Waxaa uu sheegay inuu si wayn u taageeraya go’aanka madaxweynaha dalka ee Kenya looga dhigaya waddan fiisa la’aan la imaan karo.