Ra’yi uruurin ay sameysay shirkadda daraasaadka ee TIFA ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 84 ee dadweynaha ay dareemayaan in xaaladda dhaqaale ee wadanka ay ka xun tahay sanadkii hore.
Warbixinta ra’yi uruurinta ayaa maanta la soo saaray.
Boqolkiiba 8 ee kenyaanka ayaa qabo in dhaqaalaha dalka uu hadda la mid yahay sanadkii hore ee 2022-kii iyadoo boqolkiiba 7 ay aaminsan yihiin in dhaqaalaha uu hadda ka wanaagsan yahay sanadkii hore.
Boqolkiiba 87 ee dadka ka qayb qaatay daraasaadkan ayaa sheegay inay yareeyeen qarashaadkii uga bixi jiray howlahooda shakhsiyeed si ay u waafajiyaan qiimaha maciishadda .
Waxay tusaale u soo qaateen in hadda aynan sidii hore lacago ugu bixin gaadiidka , iibsashada dharka iyo madadaallada.
Dhanka kale kenyaanka ay shirkadda TIFA wareysatay ayaa maamulka madaxweyne William Ruto ku bogaadiyay badbaadinta keymaha , taageeridda beeralayda , xakameynta in deegaanka la wasaqeeyo , xoojinta maalgashiga iyo dalxiiska.
Hasa ahaate waxay sheegeen in madaxweynaha uunan ku guulaysan yareynta deymaha shisheeye , ku tiirsanaanta deeqaha maaliyadeed , musuqmaasuqa , shaqo abuurka iyo hoos u dhigidda qiimaha sarreeya ee maciishadda.
Dadweynaha oo la weydiiyay caqabadda ugu wayn ee haysata maamulka Kenya Kwanza ayaa boqolkiiba 39 ku sheegay sicir bararka iyo qiimaha maciishadda , boqolkiiba 15 (musuqmaasuqa) , boqolkiiba 8 (bixinta deymaha ), boqolkiiba 4(cadaadiska garabka mucaaradka) , boqolkiiba 3(qiimaha shilinka dalka oo hoos u dhacay ) iyo boqolkiiba 2(shaqo la’aanta).
Dr .Tom Wolf oo ah cilmi baare sare oo ka tirsan shirkadda TIFA ayaa shir jaraaid oo uu ku qabtay magaalada Nairobi ka sheegay in daraasaadkan ay qaab taleefoon ah ku sameeyeen 25-kii bishii hore ilaa 7-dii bishan Diseembar.
Waxaa su’aallo la waydiiyay dad gaaraya 3,009 ruux.
Macluumaadka wasaaradda maaliyadda ee dalka aya muujinaya in wixii ka horreeyay dhammaadkii bishii 6-aad ee sanadkan , deynta lagu leeyahay Kenya ay ahayd 10.1 Tiriliyoon oo shilin ama 66 bilyan oo doolar.