NTSA oo doonaysa inay kordhiso qarashaadka adeegyada ay bixiso

0
309

Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA ayaa soo jeediyay inuu kordhiyo qarashaadka lagu bixiyo adeegyadiisa.
Maamulkan ayaa sheegay in tani looga gol-leeyahay in lagu buuxiyo gaabad dhaqaale oo ah ugu yaraan 2.37 bilyan oo shilin.
NTSA ayaa sheegtay in waayihii ugu dambeeyay uu hoos u dhacay dakhli soo galo iyadoo sanad maaliyadeedkii hore uunan maamulkan soo xareyn 550 milyan oo shilin sidii uu qorshuhu ahaa.
Maamulkan ayaa hoosta ka xarriiqay inuu u baahan yahay lacago dheeraad oo uu u adeegsan karo barnaamijyada badqabka dhanka waddooyinka, hannaanka ICT-da iyo bixinta leesimada.
Tusaale ahaan , lacagta hadda laga qaado qofka doonaya inuu beddelo midibka baabuurka ayaa laga dhigi doonaa 20,000 oo shilin sida ku cad soo jeedinta maamulka qaran ee gaadiidka .