Waxaa maanta fagaaraha Uhuru Gardens ee magaalada Nairobi lagu qabanayaa xuska loogu dabbaal degayo maalinka qaran ee Jamhuri Day ee sanadkan.
Dabbaal deggan ayaa sanad kasta dalka ka dhaco taariikhda marka ay ku beegan tahay 12-ka bisha 12-aad ee Diseembar.
Madaxweynaha dalka Willaim Ruto ayaa lagu wadaa inuu Kenyaanka ku hoggaamiyo xuska 60-aad ee Jamhuri Day.
Munaasabaddan qaran ayaa lagu maamuusaa 12-kii Diseembar ee sanadkii 1963-dii xilligaasi oo Kenya ay fursad u heshay maamul gudaha ah ka dib sanado badan oo Ingiriiska uu guumeysanayay.
30,000 oo qof ayaa la qorsheeyay inay ku sugnadaan fagaaraha xilliga dabbaal degga uu dhacaya.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr. Raymond Omollo ayaa sheegay in amniga si wayn loo adkeeyay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in xuska Jamhuri Day ay ka soo qayb geli doonaan ugu yaraan saddex ka mid ah hoggaamiyaasha dalalka kale ee caalamka.
Waxaa mas’uuliyiintan ka mid ah madaxweynaha dalka Itoobiya Sahle-Work Zewde oo Kenya timid galinkii dambe ee shalay iyo hoggaamiyaha wadanka Belarus, Aleksandr Lukashenko.
Dr. Raymond Omollo ayaa sheegay in maanta ay maalin muhiim u tahay qaranka iyadoo la xusuusan doono geesinnimadii , dadaalkii iyo naf-huridii halyeeyadii u soo dagaallamay xurriyadda wadanka.
Waxaa dib loo milicsan doonaa taariikhdii ay Kenya soo martay iyo halka uu dalku ku wajahan yahay.




