Guddoomiyaha qaabilsan ilaalinta xogaha kenyaanka Immaculate Kassait ayaa shaacisay in ilaa iyo hadda adeegyada dowladda ee laga dhigay kuwo casri ah ay kor u dhaafayaan 10,000.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo badqabka macluumaadka intarneetka aynan ahayn arrin walaac ku haysa Kenya balse caalamka oo dhan.
Dhanka kale khuburrada ayaa ku talinaya in la qabto tababarro ku aaddan ilaalinta hannaanka xogaha.
Kassait ayaa sheegay in ujeeddada laga leeyahay arrintan ay tahay in la dardargeliyo bixinta adeegyada dowladda ee loo fidiyo shacabka.




