Kenya iyo UK oo yeeshay kulankoodii ugu horreeyay ee ku saabsan xayiraadda socdaalka

0
618

Waxaa shalay kulankoodii ugu horreeyay yeeshay guddi iskudhafka ah oo kala matalaya dowladaha Kenya iyo boqortooyada Ingiriiska.
Guddigan ayaa loo xilsaaray inay ka falceliyaan xaaladaha degdegga ah ee COVID-19 iyo xallinta xayiraadaha ay ka mid tahay duulimaadyada caalamiga ee isku xiro labada waddan.
Waxaa guddigan soo magaacaabay wasiirradda arrimaha dibadda ee Kenya Raychelle Omamo iyo xoghayaha arrimaha dibadda ee Ingiriiska Dominic Raab, si ay u eegaan siyaabaha lagu xallin karo xayiraadaha socdaalka ee labada dal.
Bayaan ay guddigan soo saareen ayaa lagu sheegay in kulankan ay si wada jir ah u shir guddoominayeen xoghayaha joogtada wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Macharia Kamau iyo agaasimaha Afrika ee xafiiska barwaaqo sooranka iyo horumarinta arrimaha dibadda Irfan Siddiq.
Waxaa kulanka goobjoog ka ahaa khubarada sayniska oo ka kala socday labada dhinac.
Guddiga ayaa ka wada hadlay arrimaha sayniska iyo caafimaadka la xiriira ee keenay xayiraadda socdaalka labada dal ee hadda jirta.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu xusay in guddigu ay isku raaceen muhiimada xiriirka laba geesoodka iyo xallinta saameynta aan wanaagsanayn ee xayiradda socdaalka ka dhalan karta, gaar ahaan isu socodka labada shacab iyo badeecooyinka.
Guddiga ayaa isku raacay in la sameeyo kooxo farsamo si wax looga qabto arrimahan isla markaana warbixin lagu soo celiyo guddiga sare ee labada dowladeed maalmaha soo socda.
Waxaa sidoo kale kulankan ka qayb galay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda caafimaadka Susan Mochache ,dhiggeeda gadiidka Solomon Kitungu iyo xoghayaha ganacsiga Dr. Linyiru Bruno.
Horaantii bishaan ayay ahayd markii boqortooyada Ingiriiska ay saartay xayiraadda dhanka socdaalka waddamada kala ah Kenya, Bangaladesh,Pakistan,iyo Filibiin, iyadoo laga walaacsan yahay faafitaanka noocyada cusub ee COVID-19.